Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegay in mid ka mida madaxweyne ku xigeenada maamulka Ahlu suna ee Gobollada Dhexe inuu dhaawacmay.
Madaxweyne ku-xigeenada Maamulka Ahlusunna Sheekh Xasan Gaboobe ayaa maanta ku dhaawacmay shil Gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud, waxaana sidoo kale shilkaasi ku dhawacmay saddex ka mida askartii ilaalada u ahayd.
Dhaawaca madaxweyne ku xigeenka Ahlu suna ayaa la sheegay inuu ka soo gaaray Madaxa, balse aanu ahayn mid aad u culus. Askarta ilaalada u ahayd ayaa wararku sheegayaan inuu dhaawacoodu culus yahay.
Ahlusunna ayaa xaqiijisay dhaawaca soo gaaray Xasan Gaboobe oo ka mida Madaxweyne ku xigeenada maamulkaasi waxayna sheegeen inuu dhaawaciisu fudud yahay.
Goobjooge.com