Friday, July 4, 2025

Madaxweyne la filayey inuu sii wado Waanwaanta Khilaafka Doorashada oo bilaabaya Doorashada Aqalka Sare

Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhaba, kadib markii uu balan qaaday inuu sii wadi doono waanwaanta caqabadaha Doorashada.

Lafta-gareen oo hore u caddeeyay inuu diyaar u yahay qabashada Doorashada Aqalka Sare, isla markaana meesha ka saaray in Doorashada lagu xiro khilaafka ka taagan Gedo ayaa hadda lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha ugu horeeya ee qabta Doorashada Senatoorada Aqalka Sare oo Baarlamaanka K/Galbeed ay dooranayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday madaxweynayaasha maamullada K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ay degdeg u bilaabaan Doorashada Aqalka Sare, inta aan la gaarin 8-da Febraayo oo ku eg muddo xilkeedkii sharciga ahaa ee Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya ballanqaadkii ahaa inuu C/casiis Lafta-gareen waanwaan ka gelayo arrimaha Doorashada ay ahayd mid lagu doonayey in lagu soo xiro shirkii la isku mari waayey ee Musharixiinta Madaxweynaha la yeesheen Qoorqoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON