Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Musaveni ayaa ka hadlay weerarkii Jimcihii 26-ka May ku qaadeen saldhigga ciidamada dalkiisa ee ka tirsan ATMIS, magaalada Buulomareer ee Gobolka Sh/Hoose.
Khudbad uu jeediyay Madaxweynaha Uganda ayuu si faahfaahsan uga hadlay wixii ka dhacay Buulomareer, isagoo qiray inay Alshabaab qabsadeen saldhigga ayna burburiyeen qalabkii milateri ee yaallay.
Madaxweyne Musaveni wuxuu sheegay inay ciidamada Uganda ay Soomaaliya si guul leh uga howlgalayeen ilaa sanadkii 2007, balse uu dhacay weerar nasiibdarro, Aagga Buulo-Mareer saldhiga ku yaalla, ayuu caddeeyay ina ku sugnaayeen askarta Difaaca Uganda ayna ku jireen difaac xoogan,iyagoo heysta HUb u badan kuwa fudud.
Wuxuu shaaciyey Hubka waaweyn ee xerada yaallay, isagoo ku sheegay Laba Taangi, laba Qoriga 14.5mm ee lidka diyaaradaha ah iyo gantaalka Katyusha 107mm. Markii weerarku bilowday ayuu sheegay in Qaar ka mida Ciidamadii Uganda aysan soo bandhigin waxqabadkii laga rabay, balse ay argagaxeen, taasi oo keentay inay kala cararaan.
Maleesiyada Shabaab ayaa ka faa’iideysatay, iyagoo qabsaday Saldhigga, isla burburiyey qalabkii yaallay. Saddex baabuur oo waxyaabaha qarxa ayuu sheegay Madaxweynaha Uganda inay burburiyeen ciidamada inta aysan soo gaarin xerada, laakiin argagaxa ciidamada uu ahaa wax loo baaheyn.
Madaxweyne Musaveni wuxuu kaloo sheegay in diyaaradaha Drone ee ciidamadiisa ay dusha kala socdeen weerarka ka dhacay Buulomareer ayna gantaallo ku rideen Alshabaab, wuxuuna sheegay in Alshabaab weerarray Saldhigga Buulomareer ay tiradoodu gaareysay ilaa 800.
Guddi baaris ayaa loo sameeysay weerarkii dhacay, waxaana soo bixi doona xaqiiqda dhabta ah, oo ay ku jiraan faahfaahinta khasaaraha dhacay, sida sheegay Madaxweynaha Uganda, balse ma shaacin tirada laga dilay ciidamada Uganda.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Uganda qaarkood ay u tallaabeen xero kale oo 9 KM u jirta Buulomareer, iyadoo la lumiyey fursad lagu baabi’in karay Alshabaabka soo weerraray Buulomareer, balse wuxuu ballan qaaday in hawlgalladu sii socon doonaan, ayna ka shallayn doonaan falkooda.
Wuxuu tacsi u diraya Askarta iyo ehelada dadkii ku dhintay. “Dhacdadan nasiib darrada ah waa in lagu xasuustaa in hawlgallada Soomaaliya iyo Dalalka kale ay yihiin hawlgallo dagaal ee aanay ahayn hawlo samafal oo aad ku heleyso deeq ay bixineyso Qaramada Midoobay” ayuu yiri Musaveni.
