Madaxweynaha Uganda Yowerki Musaveni ayaa sheegay inay dunida ka jiraan dalal dhowr ah oo aan dowlad lahayn, sida Soomaaliya oo kale.
Musaveni oo ka hadlayey shir sanadeedka Hay’adda Garsoorka dalka Uganda goor dhoweyd ayaa sheegay inay jiraan dalal badan oo aan lahayn hay’ado dowladeed oo shaqeeya oo dalkeeda gacanta ku heysa, kuwaasoo ay Soomaaliya ka mid tahay, wuxuuna sii raaciyey inay jiraan kuwo badan balse aanu sheegi karin sababo diblomaasiyadeed awgood.
“Waxaa jira dalal badan oo aan dowlad lahayn.. Waa jiraan, mana laha maamul shaqeeya.. Soomaaliya ayaa ka mida… qaar kale ayaa jira laakin ma sheegayo kuwaasi sababo diblomaasiyadeed awgood..” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda oo ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya.
Madaxweyne Musaveni ayaa goor sii horeysay magaalada Jubba ee South Sudan ka sheegay in Koonurta Suudaan ay qarka u saarantay inay noqoto sida Soomaaliya oo kale, balse ay hoggaamieyaasheeda ka qabteen.
HOOS KA DAAWO