Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Ordogan oo laga yaabo inuu Turkiga sii xukumo ilaa 2029-ka {Akhri Warbixin}

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa laga yaabaa inuu dalkiisa sii xukumo ilaa sanadka 2029-ka.

Arrintan ayaa ka dambeysay isbedel la soo jeediyay in lagu sameeyo Dastuurka dalka Turkiga oo lagu kordhinayo awoodaha madaxweynaha dalkaasi oo Baarlamaanka dalkaasi uu ogolaaday.

Arrintan oo mucaaradka Ordogan ay ku tilmaameen kelitalisnimo la xalaaleysanayo ayuu ku dooday madaxweynaha Turkiga inay keeni doono xasilooni siyaasadeed, loogana badbaadi doono xukuumadihii taagta darnaa ee dalkaasi soo maray.

Haddii la sharciyeeyo isbedelada la soo jeediyay in lagu sameeyo Dastuurka Turkiga wuxuu siinayaa madaxweyne Ordogan inuu sii xukumi karo dalkaasi ilaa sanadka 2029, waxaana u furan inuu is sharxo, arrintaasi oo si weyn ay uga hor yimaadeen xisbiyada mucaaradka.

Erdoğan heads to Uganda, Kenya, grants $24mln to Somalia

11 qodob oo wax laga bedelo ayaa 7 ka mida loo codeeyay iyadoo afarta hasan oo xasaasi ah loo codeyn doono jimcaha maanta ilaa caawa, waxayna awood u siinayaan madaxweynaha inuu xaalad degdeg ku soo rogo dalka, inuu wareegtooyin soo saaro, inuu magacaabo wasiirada iyo madaxda sare ee dalka iyo inuu kala diro Baarlamaanka dalkaasi.

Haddii qodobadan 4ta ah ay heli waayaan codad gaaraya 330 oo ka mida Baarlamaanka xildhibaanadiisu dhan yihiin 550, waxay noqon doontaa in afti guud loo qaado isbedelka lagu sameynayo Dastuurka Turkiga.

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON