Thursday, July 10, 2025

Madaxweyne Ordogan oo shaaciyay in Turkigu sameysanayo Markab dagaal oo Diyaaradaha Xambaara

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay qorshe ay dowladiisa ku sameysaneyso markabkii ugu horeeyay ee diyaaradaha xambaara.

Isagoo ka hadlayay bandhigga Markab dagaal oo Turkigu sameysatay ayuu sheegay in Turkiga qorsheystay dhismaha Markab weyn oo diyaaradaha Xambaara, taasoo uu sheegay inaysan hadda ahayn riyo laakiin la dhameystiri doono sanadka 2023.

Turkiga ayaa horeba ugu guuleystay inuu dalkiisa ku sameysto hubka waaweyn, Taangiyada, Gawaarida Gaashaaman iyo hubka, culus, iyadoo sidoo kale soo saarta maraakiibta dagaalka ee yaryar.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Turkiga gebi ahaan ka madax bannaanaan doono hubka uu dibadda kasoo iibsado iyadoo mashruuca isku tashiga Turkiga uu xoogeystay, “Inaan sameysnayo Markab diyaaradaha xambaara ma ah riyo fog…” ayuu yiri Erdogan oo sheegay in Turkiga uu sameystay 14 markab oo dagaal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON