Iyadoo madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam la filayo maanta inay tagaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa caasimadda gaaray ciidamadii ugu badnaa ee ilaalada labadaasi madaxweyne, gaar ahaan madaxweynaha Puntland.
Waxaa magaalada Garowe labadii maalin ee ugu danbeysan laga soo daabulay ciidamo fara badan oo ilaalinaya Madaxweynaha Puntland, waxaana kasoo hor maray saraakiil, mas’uuliyiinta madaxtooyada Puntland iyo ciidamadaasi oo diyaariyey Guriga uu degayo Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.
Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayey noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu tago magaalada Muqdisho tan iyo intii xilka loo doortay Janaayo 2019, iyadoo doorashadaasi la sheegay inay faragelin kusameysay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ilaa xilligaasi xumaa xiriirka labada dhinac.
Safarka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa yimid kadib cadaadis ay labada dhinac saartay Beesha caalamka, waxaana go’aan looga gaari doonaa Qaabka Doorashada Soomaaliya 2020/2021, kadib markii ay qaadaceen heshiiskii doorashada Dhuusamareeb III.

