Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waraaqihii Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Mareykanka Danjire Cali Shariif Axmed oo xilkaasi loo magacaabay Bishii July 2019.
Safaaradda Soomaaliyaee magaalada Washington dalka Mareykanka ayaa safiir la’aan ahayd muddo ku dhow laba sanadood, kadib markii Janaayo 2018 safiirkii Somalia Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyadoo wixii xilligaasi ka dambeeyay aysan dowladda Somalia safiir ku lahayn Mareykanka, sababo aan la shaacin dartood.
Danjire Cali Shariif ayaa hore safiir uga soo noqday dalka France, isagoo muddo bilo ahna noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, Dowladda Federaalka ayaa soo dhaweysay aqabaaladda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald J. Trump uga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed, iyadoo rajeysay inuu safiirka cusub sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tAariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa’iidada u leh labada dal.
Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan.