Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Trump oo dalka Mareykanka u diiday Gabar Mareykan ah oo hore ugu biirtay Daacish [Sawirro]

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar diiday in haweeney Mareykan ah oo hore ugu biirtay kooxda khilaafada islaamiga ee Daacish ay dib ugu noqoto dalkaasi.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Hoda Muthana ayuu sheegay madaxweyne Trump inuu ku amray wasiirka arrimaha dibadda Mike Pompeo “inaan loo ogolaan in ay dib ugu soo noqoto dalka Maraykanka”, waxayna arrintan ka danbeysan markii saxaafadda Mareykanka ay baahiyeen in haweeneydaasi ay dooneyso dib ugu laabashada Mareykanka kadib afar sano oo ay la qaadatay Daacish.

Qoyska Haweeneydan iyo Qareenka u doodaya yaa ku adkaysanaya in Hoda Muthana ay tahay muwaadinad Mareykan ah, xaqna u leedahay inay dib ugu laabato Mareykanka, kadib markii ka laabtay fekerkeedii hore.

Haweeneydan waxay ku dhalatay Mareykanka, iyadoo ku barbaartay Gobolka Alabama, balse waxay dalka Siiriya u safartay, iyadoo ku biirtay dowladda khilaafada Islaamiga iyadoo 20 sano jir ah. Hoda waxay hadda wadataa wiil Sanad iyo Bar jir ah oo ay Suuriya ay ku dhashay dagaalame kasoo jeeda dalka Austalia oo lagu magacabi jiray Suhan Rahman, kaasoo la dilay sanadkii 2015.

Hoda Muthana ayaa lagu qabtay dagaal ay ciidamada Kurdiyiinta kula wareegeen dhulka ugu danbeeya ee ISIS ay weli gacanta ku heysay dalka Suuriya, waxayna hadda ku jirtaa Xerada Qaxotiga Al-Hawl , iyadoo halkaasi ka sheegtay inay ka xun tahay go’aankeedii ay Daacish ugu biirtay, waxayna codsatay in la cafiyo.

Hassan Shibly, lawyer for Hoda Muthana, in his office in Tampa, Florida, on February 20, 2019
Qareenka Hassan Shibly

Qareenka u doodaya Hoda oo lagu magacaabo Hassan Shibly ayaa u jawaabay Madaxweyne Trump, isagoo sheegay inay wax laga caroodo ay tahay in Trump uu dalalka Yurub ugu baaqo in ay muwaadiniintooda la wareegaan, isaguna uu diido inuu muwaadiniinta Mareykanka ee ku laabanaya dalkooda.

Hoda iyo wiilkeeda 18 bilood jirka ah
Image result for Hoda Muthana
Image result for Hoda Muthana
Hoda waxay xaas u ahayd dagaalame kasoo jeeday dalka Australia – Suhan Rahman – Waxaana 2015 lagu dilay Suuriya

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON