Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ugu hanjabay dalka Turkiga inuu ku soo rogayo cunaqabteyn cusub oo dhaqaale haddii aanay sii deynin baadariga Mareykanka ah ee ku xiran dalkaasi.
Iyadoo xiriirka labada dal uu kasii darayo, isla markaana canshuur Donald Trump ku soo rogay Birta iyo Naxaasta Turkiga ay dhalisay in lacagta dalkaasi ee Liiraha ay si weyn hoos ugu dhacdo ayaa waxaa muuqata inay xaaladu ka sii dareyso.
Trump ayaa sheegay in Turkiga uu caddeystay inuu saaxiib daacad ah u ahayn Mareykanka, wuxuuna sheegay in Baaderiga Mareykanka ee ku xiran dalkaasi uu yahay nin wadani ah oo sharci darro loo heysto.
Baadariga Andrew Brunson ee Mareykanka u dhashay ayaa ku xiran Turkiga muddo ku dhow 2 sano, waxaana loo heystaa inuu xiriir la lahaa kooxo siyaasadeed oo ka dambeeyay inqilaabkii dhicisoobay ee Turkiga.