Dowladda Shiinaha ayaa si weyn uga carootay War xalay kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo cudurka COVID-19 ee uu keeno Coronavirus ku tilmaamay magac cusub oo ah Chinavirus.
Afhayeenka dowladda Shiinaha Zhao Lijian ayaa si weyn u cambaareeyay warka kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, isago caddeeyay inay si weyn uga xun tahay ugana carootay dowladda Shiinaha warkaasi, wuxuuna Mareykanka ugu baaqay inuu ku mashquulo dhibaatooyinkiisa gudaha.
Wuxuu intaas ku daray inay tahay gef in cudurka loo saariyo Shiinaha iyadoo aan wax caddeyn ah loo heynin, isla markaana aan la aqbali karin beenta cad ee uu isku dayey Donald Trump inuu Shiinaha dusha u saaro.
Madaxweyne Trump ayaa marar badan adeegsaday magaca ‘Chinavirus’ isagoo ka hadlaya cudurka Coronavirus, wuxuuna qoraallo badan oo uu ku qoray twiter-kiisa u adeegsaday magaca Shiinaha ee uu cudurka siiyey.
Arrintan ayaa kasoo bilaabtay war uu hore u sheegay Afhayeenka xukuumadda China oo su’aal ka keenay halka uu ka yimid cudurka Coronavirus, wuxuuna tilmaamay in ciidamada Mareykanka ay cudurka Coronavirus geeyeen Gobolka Wuhan ee dalka China.
Dagaal afka ah ayaa hadda ka dhex oogmay labada dal ee China iyo Mareykanka, kaasoo ku saabsan cudurka Corona iyo halka uu ka yimid oo weli la isku tuurtuurayo.