Friday, July 4, 2025

Madaxweyne Turkiga Ordogan oo dib loogu doortay Guddoomjiyaha Xisbigiisa AK party

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isku fuuqsaday dhammaan xilalkii madaxweynaha iyo xisbigiisa kadib markii shalay dib loogu doortay guddoomiyaha xisbigiisa AK.

Xsibiga Caddaalada ee Horumarka ee AK ayuu dib ugu soo laabtay Ordogan kadib markii la qaaday aftidii dadweyne ee keentay inuu noqdo madaxweyne awood badan oo aan laga daba hadli karin.

Ordogan ayaa ahaa musharaxa kaliya ee xilka u tagaan wuxuuna helay codadkii la qaaday 1414 ergadii xisbiga, isagoo mar kale noqday guddoomiyaha xisbigiisa AK.

Khudbad uu jeediyay kadib dib u doorashadiisa ayuu ku sheegay in weji cusub u furmay xisbiga, una shaqeyn doono danaha dalka iyo dadka.

Madaxweynaha Turkiga oo Muqdisho ku soo jeeda

In ka yar saddex sano ayuu xilkan ka degay madaxweyne Ordogan, waxaana u suuragelisay inuu ku soo laabto aftidii bishii hore ka dhacday dalka Turkiga, waxaana dastuurka cusub uu madaxweynaha siinayaa inuu xisbi ka mid noqon karo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON