Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle (Xaaf) ayaa waxba kama jiraan ka dhigay xil ka qaadis ay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ku sameeyeen isaga.
Wuxuu sheegay in ay arrintan xil ka qaadistiisa ka dambeeyeen xildhibaanno toban ah iyo Giddoomiyaha Baarlamaanka, isaguna aan xil laga qaadi karin oo muddo 4 bilood oo qura uu xilka hayo.
Wuxuu ku eedeyeya dowladda Federaalka inay ka danbeyso qorshe lagu doonayo in lag sameeyo maamulada dalka sidii ka dhacday Hirshabeelle, wax shir ah oo dhacay iyo xil laga qaadayna aanay jirin.
DHAGEYSO