Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Xaaf Galmudug Arrin aan la fileyn hordhigay Baarlamaanka Galmudug [Akhriso]

Madaxweyanha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa qaaday tallaabo aan hore loo arag kadib markii uu maanta hor tegay baarlamanka maamulkiisa.

Madaxweyne Xaaf ayaa markii xilka loo dhaariyay ku dhowaad saddex bilood kadib weydiistay Baarlamaanka Galmudug inay u meel mariyaan Golihii wasiirada C/kariin Guuleed iyo Miisaaniyad ay hore u soo diryaareen Golahaasi.

Kulan aan saxaafadda loo ogollaan oo uu Xaaf la yeeshay Xildhibaannada Maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Cadaado, waxayna arrintan noqotay mid aad looga hadal hayo maamulkaasi.

Xaaf wuxuu ku dooday in Wasiirrada iska casilay intii uu Guuleed talada hayay uu soo magacaabayo kaliya isla markaana kuwa kale ay sidooda u sii shaqeyn doonaan.

Baarlamaanka Galmudug ayaa ku kala qeybsamay soo jeedinta madaxweynaha waxaana  socda doodda Xildhibaannada iyo madaxweynaha ee magacaabista Wasiirrada cusub ee Galmudug iyo in kuwii hore loo ansixiyo.

Dad badan ayaa hore u saadaaliyay in Madaxweyne Xaaf uu ka liidan doono ninkii ka horeeyay waxqabad la’aan, waxaana hadda muuqda ifafaale aan wanaagsaneyn hogaankiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON