Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xaaf oo Muqdisho ku soo laabtay & Wada-hadalkii Ahlu Suna iyo Galmudug oo loo wareejiyay…

Warark laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in wadahadalkii maamulka Galmudug iyo Ahlu Suna aan wax heshiis ah lagu gaarin, loona wareejiyay dalka Jabuuti.

Arrintan ayaa ka danbeysan kadib markii urur Goboleedka IGAD uu Nairobi isugu geeyay madaxda labada dhinac, waxaana la sheegay in qodobo asaas ah la isku afgartay sida in labada maamul la isku daro, lagana wada shaqeeyo amaanka, laakiin ay harsan yihiin awood qeybsiga oo ah kan ugu adag ee ay hore loogu heshiin waayay.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Nairobi, waxaana Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo xildhibaanno uu ka mid yahay C/raxmaan Odawaa.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Ahlusunna ayaa Magaalada Nairobi ay shir kale oo urur Gobolleedka IGAD qabanqaabiyay ku yeelan doonaan dalka Jabuuti bisha soo socota, halkaasoo looga hadli doono arrimaha waaweyn ee awood qeybsiga labada dhinac.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON