Madaxweynaha Galmudug ayaa beeniyay inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu been abuur ku tilmaamay qoraal baraha bulshada lagu baahiyay oo ku saabsan inuu xiriirka u jaray dowladda Dhexe, isagoo sheegay in lagu sii hurinayo khilaafka iyadoo ujeeddo gaar ah laga leeyahay sida uu ku yiri war uu ku faafiyay boggiisa FB.