Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Agaasime cusub u magacaabay Madaxtooyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada Dhuusarmareeb ayaa u magacaabay Agaasime cusub u magacabay Madaxtoyada Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xaiiska madaxweynaha ayaa Cabdixakiim Maxamed Yuusuf loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Cabdixakiim ayaa hore u ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, wuxuuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay agaasimaha cusub inuu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynahau mahadceliyay Agaasimihii hore Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud mudadii uu soo hoggaamiyay xafiiska, kaasoo xilka isla casilay.

Agaasimaha cusub ayaa kasoo jeeda Beesha Agaasimihii guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada oo hadda loo maxkamadeynayo arrimo Kiis musuq ah, waxaana xilkii agaasimahaasi loo magacaabay mas’uul kasoo jeeda K/Galbeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON