Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hakiyay socdaalkii Cumar C/rashiid ee Beledweyne [Akhri Sababta]

Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu baajiyay safar uu Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid maanta ku tegi lahaa magaalada Beledweyne.

Safarka oo ujeedkiisu ahaa in xal loogu raadiyo is mari waaga ka taagan shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Madaxweynaha ku taliyay in Beledweyne loo diro wasiirka Arrimaha Gudaha, taasoo ahayd qorshe ay hore u wada sameeyeen madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha gudaha.

Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa qaadacay dhowaan shirka Jowhar, waxayna dowladda federaalka ku eedeeyeen cadaalada darro, waxaa kaloo arrinta Beledweyne iyo dadaalkeedii isaga haray wasiirka Amniga gudaha oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, isagoo sheegay inuusan waxba ka qaban karin heerka ay gaartay xaalada.

Faragelinta madaxweynaha ayaa keentay in safarkii maanta ee Ra’iisal wasaaraha ku tegi laha ka joojiyo, iyadoo halkaasi loo diray wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Odowaa iyo wasiirka batroolka Soomaaliya, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, iyadoo Ra’iisal wasaaruhu tegi doono marka wasiiradani xaalada soo arkaan kadibna uga warbixiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laba jeer magaalada Beledweyne u tegay isla arrintan isagoo labadii jeerba ay socon waayeen qorsheyaashii uu ula tegay reer Hiiraan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON