Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan oo socdaal rasmi uga bilowday.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa garoonka caalamiga ah ee Khartoum ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir, wasiiro iyo saraakiil sare oo ka tirsan dalka Suudaan.
Socdaalka Xasan Sheekh ayaa ku saabsan xiriirka labada dal iyo taageero dowladda Suudaan siineyso Soomaaliya iyadoo ka mida dalalka Jaamacadda Carabta ee bixiya qaaraan lagu kabo miisaaniyadda dowladda Soomaaliya.
Goobjooge.com