Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib u abaabulaya xisbigiisa PDP

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay la shaaciyay kulan uu madaxtooyada kula yeeshay xisbigiisa Nabadda & Horumarka (PDP) isagoo khudbad uu ka jeediyay kulankaasi gaarka ahaa ku sheegay in lixdiisii tiir ee uu doorashada ku galay wax badan ka qabsoomeenn, balse qiray inay jiraan waxyaabo badan oo qabsoomi waayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Inkastoo aanu dalka ka jirin Xisbi sharci ah oo sharciyadii xisbiyada madaxa bannaan aanay soo bixin haddana waxay warbaabinta Qaranka ku dhiiratay inay sheegto xisbi madaxweynaha ka tirsan yahay.

Xaflada madaxweynaha la qaatay xubnaha xisbigiisa oo ahayd afur ayuu ka sheegay inay jiri doonin muddo kororsi loo sameeyo dowladiisa, taasoo muddooyinkii dambe lagu tuhunsanaa inuu damacsan yahay, wuxuuna xaqiijiyay in la doonayo isbedelo siyaasadeed oo dalka ka dhaca 2016.

Ad

Wuxuu intaas ku daray in Baarlamaanka ka doodi doono sharciyada xisbiyada siyaasadda dalka, xisbigiisuna PDP-na uu raaci doono sharciga. Wuxuuna xubnaha xisbigiisa ku booriyay inay boorka iska jafaan oo dib ugu istaagaan.

Xisbiga madaxweynaha ayaa tan iyo intii la doortay hoos u dhac weyn ku yimid, waxaana kala tegay howlwadeenadiisii iyo dadkii hogaanka ahaa oo intooda badan dowladda galay iyadoo xubnihii hoose ay intooda badan kala tageen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay heystaan culeyso ay ka mid yihiin hiigsiga cusub iyo mooshin dib loo soo cusbooneysiiyay oo isaga looga horjeedo ayaa xilligan dib u soo xusuustay xisbigiisii hore.

- Advertisement -

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON