Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Jimce ah la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed.
Isagoo ka hadlayey Madaxtoyada ayuu sheegay Madaxweynaha Qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.
“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay aasaas u yihiin dowladnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada. Waxaan galabta ku dhawaaqayaa inaan fureyso ‘Hidisaha horumarinta Qaranke ee horumarinta dhalinyarrrada’, oo aan rabno inay dalinyarrada door iyo talo ku yeeshaan” ayuu yiri Xasan Sheekh
Wuxuu intaas ku daray in la qaban doono shirweyne Qaran oo loo qabanayo dhalinyararada Soomaaliyeed, kaasoo ay qabanqaabin doonaan xilliyada soo socda, ayna noqon doonaan shirar is daba joog ah oo marba magaalo lagu qabto.
