Sunday, June 22, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo loo doortay guddoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Caddaalada iyo Wadajirka

Shirweynihii koowaad ee urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), ayaa caawa ka dhacay Muqdisho, iyadoo lagu doortay madaxda ururkaasi.

Ururkan waxaa ku mideysan madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, waxaana guddoomiye iyo musharrax  loogu doortay madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa guddoomiye ku xigeenno loo doortay raysal wasaaraha Xamse Cabdi Barre, madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen, guddoomiye ku xigeenka 1-aad Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin, iyo raysal wasaare ku xigeenka koowaad Saalax Axmed Jaamac, halka Xoghaye guud loo doortay xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa.

Ad

Waxaa munaasbadda ka qeyb galay Boqolaal shacab ah iyo masuuliyiin ay kamid yihiin madaxweynayaasha Galmudug, SSC Khaatumo, Hirshabelle iyo siyaasiyiin kale ayaa ka qeyb galay shirweynihii ururkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in xisbigan uu u taagan yahay in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, isagoo caddeeyay inay talo kasta soo dhoweynayaan oo aan ahayn “halkeena aan taagnaano”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON