Saturday, June 28, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Danjire Afey oo xil cusub loo soo magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey.

Madaxweynaha iyo ergeyga ayaa ka wadahadley sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo magacaabista ergeyga cusub, isla markaana Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida.

Image result for afey iyo xasan sheekh

Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkan cusub ee loo soo magacaabey, uuna rajeynayo inuu si buuxda uga shaqeeyo barnaamijyada lagu taageerayo qaxootiga Soomaalida ee dalalka dibedda ku nool iyo barakaceyaasha ku nool gudaha dalka.

———————-DHAMMAAD——————-

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON