Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si lama filaan ah u tegay Shirka Golaha Baarlamaanka oo fadhigii maanta looga haddayay ansixinta Guddiyada Qaranka ee xukuumaddu soo magacawday.
Madaxweynaha ayaa shirka yimid iyadoo ay socoto dood ah in cod gacan taag ah ama mid qarsoodi ah loo qaado ansixinta Guddiyada Qaran ee ay ka mid yihiin:
- Guddiga Doorashooyinka
- Guddiga Adeegga Garsoorka
- & Guddiga Xuduudaha
Lama oga ujeeda imaanshaha madaxweynaha ee Baarlamaanka, wuxuuna khudbad ka jeediyay fadhigha baarlamaanka isagoo kala hadlay arrimaha hiigsiga cusub ee 2016 oo uu sheegay inaysan jiri doonin waqti kororsi, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin tuhuno badan oo suuqa wareega kuna saabsan hiigsiga cusub iyo dowladiisa.
Wuxuu soo qaaday horumar laga gaaray maamulka Maaliyadda dowladda Federaalka loona sameeyay nidaam cad oo hantida dalka lagu maamulo. Wuxuu kaloo sheegay dowladda ay dadaalo badan u gashay sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa maadaama uu dalku dagaal kula jiro kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab.
“Dagaalna waan garanaynaa maalin waxbaa riixeysaa maalinta waa lagu riixayaa laakin xaaladda amni ee guud ahaan dalka waa ay wanaagsan tahay, horumar ayaa laga gaaray qaabeynta dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada”, ayuu yiri madaxweynaha. Xasan Sheekh ayaa u cadeeyay Golaha shacabka inaysan jiri doonin wax muddo kororsi ah marka uu dhamaado waqtiga dowladda federaalka oo hadda jirta.
Wuxuu kaloo ka hadlay muranka u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan xadka dhinaca Badda ah oo ay wadagaan wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay dacwo ka gudbisay arrintaasi ayna tallo dacwadaasi maxkamadda Cadaaladda Aduunka.
Madaxweynaha oo hadalkiisu dheeraa kale ka hadlay derbiga dowladda Kenya ay sheegtay in ay ka dhiseyso xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay markasta ka go’an tahay deris wanaag isla markaana dowladu marna ogolaan doonin derbiga laga dhisayo xadka labada dalka. “Marna raali kama noqoneyno derbigaas xukuumada guddi ayay u saartay arintan si ay u baaraan ayna keenaan xaqiiqada ka jirta”, ayuu yiri madaxweynaha.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]