Saturday, July 12, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo socdaal qarsoodi ah ku jooga dalka Jarmalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal aan la shaacin oo qarsoodi ah ku jooga dalka Jarmalka, halkaasoo uu gaaray Arbacadii.

Socdaalka Xasan Sheekh ayaa la xiriira hubinta caafimaadkiisa, isagoo dalka Jarmalka uu caadiyan u tago dhaqtar la socda xaaladiisa caafimaad, waxaana socdaalkan la sheegay inuu ku beegnaa sanadka cusub laakiin loo soo hormariyay kadib markii uu la-tashi caafimaad la sameeyay dhaqaatiirta iyadoo ay ku soo fool leedahay olole doorasho oo culus.

Wararka laga helayo madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo 4 maalmood ah ku maqnaan doono Jarmalka, kadibna uu dib ugu soo laaban doono Muqdisho, isla waqtigaas oo uu Baydhabo u aadi doono shirka Madasha Qaran sida u qorsheysan.

Si rasmi ah looma shaacin socdaalka  caafimaad ee Xasan Sheekh ku baxay xilligan, waxaana laga yaabaa inay soo baxaan warar kala duwan oo ku saabsan xaalada caafimaad ee madaxweynaha sida looga bartay saxaafadda qaarkeed, waxaana hore u dhacday in xilli uu caafimaad u aaday Turkiga laga faafiyay inuu dhintay.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON