Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Warka la faafinayo ee ah in Calanka la bedelayo, waa been dadka lagu jaha-wareerinayo”

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka hadlay munaasbad lagu xusay maalinta Calanka Soomaaliyeed ayaa si kulul u beeniyay  warar dhowaanahan la faafiyay oo ku saabsan in calanka Soomaaliya la bedelayo, wuxuuna caddeeyay in wararkaasi ay yihin kuwo been abuur iyo kutiri-kuteen ah oo aanay waxba ka jirin.

calanka

“Waxaan halkan ka caddeynayaa, wararka la faafinayo ee ah in calankeena la bedelayo inay yihiin warar been abuur ah oo la doonayo in dadka lagu jaha wareeriyo, calankeenu wuxuu yahay oo ahaan doonaa kii la taagay 26-kii June 1960” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay xaflad xuska maalinta 12-ka Oktoobar ee Calanka oo ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Madaxda gobolada iyo maamulada dalka ka jira inay weyneeyaan calanka umadda Soomaaliyeed, “Waxaan leeyahay madaxa gobolada, maamulada dowladaha hoose ee calanka leh in calankoodu ku eg yahay iyaga gobolkooda ama degaankooda, calankaas gaarka ah ma barbar istaagi karo calanka Soomaaliyeed” ayay ahayd fariin uu madaxweynaha u diray madaxda maamulad dalka.

DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA

Munaasabadda 61-guurada sameynta calanka Soomaaliyeed waxaa sidoo kale ka qeyb galay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda  Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON