Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Waxaan tegayaa Kenya, waana kala hadli doonaa arrinta Qaxootiga…”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuusan fileyn in Kenya ay qasab ku xerto xeryaha qaxootiga Soomaalida oo ay si qasab ah dib ugu soo celin doonto qaxootiga Soomaalida.

Isagoo ku sugan dalka Turkiga ayuu sheegay inay is arkeen madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayna ka wadahadleen arrintaasi, wuxuuna intaasi ku daray inuu dhowaan tegi doono dalka Kenya oo uu kala hadli doono arrintan marka ay kulan yeeshaan madaxweynaha Kenya.

Wuxuu Kenya uga mahadceliyay sanadaha badan ee ay marti gelisay qaxootiga Soomaalida, wuxuuna qiil u sameeyay culeyska heysta dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa ku adkeysatay go’aankeeda ah inay xirto xeryaha qaxootiga Soomaalida, waxayna ku eedeysay xeryahaasi inay hoy u noqdeen argagixiso.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON