Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynihii Afghanistan oo ka cararray Caasimadda iyo Daalibaan oo ciidamadeeda ku Amartay..

Wararkii uu danbeeyay ee xaaladda dalka Afghanistan ayaa sheegaya in Madaxweynihii dalkaasi Ashraf Ghani uu ka cararay, kana dhoofay caasimadda dalkaasi ee Kaabul.

Tallabaada uu qaatay Madaxweynihii Afghanistan ayaa ka danbeysay kadib markii uu dalkaasi u gacan galay Xarakada Daalibaan oo dhammaan qabsatay gobollada iyo magaalooyinka dalkaasi, waxaana la sheegay inuu mas’uuliyiin u xil saaray wadahadalka kooxda Daalibaan.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa diyaarad ka raacay Garoanka magaalada Kaabul, waxayna wararka soo baxay ay sheegayaan inuu aaday dalka Tajakistan, isagoo aan dadka la hadlin, kuna dhawaaqin inuu is casilay, taasoo soo afjareysa 20 sano oo Afghanistan ay ku hoos jirtay dowlado ay taageeraan Mareykanka iyo Reer Galbeedka.

Dhinaca kale madaxda Daalibaan ayaa amar ku siiyay ciidamadooda inay galaan Magaalada Kaabul, si ay uga hortagaan fowdo iyo boob ka dhaca magaalada, kadib markii ay saaka ka joojisay inay galaan Caasimadda.

Wadooyinka caasimadda Kaabul ayaa lagu arkayaa ciidamada Daalibaan oo wata Gaadiid dagaalka oo fara badan iyo dadweyne fara badan oo soo dhoweynaya, waxaana ay durba la wareegeen qeybo badan oo ka mida magaalada Kaabul.

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Afghanistan Cabdalla Cabdalla ayaa ku wajahan magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo ay ka socdaan kulamo ku saabsan siii xal lougu heli lahaa xaaladda dalka Afghanistan.

Wasiirka Difaaca Afghanistan ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dhoofay inuu gacmaha ka xiray dowladii oo dhan, dhibaato geliyey dalka, kadibna isaga tegey. Guddoomiyaha Golaha Dib u heshiisiinta Cabdalla Cabdalla ayaa xaqiijiyey inuu madaxweyne Ashraf Ghani ka cararray dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON