Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay, iyadoo xoriyad buuxda dib u helay.
Mubaarak oo dalka Masar muddo dheer heystay waxaa talada looga tuuray kacdoonka weynaa ee Gu’ga Carabta, waxaa xabsiga la dhigay sanadkii 2011-kii.
Go’aankan xabsiga looga sii daayay ee ka danbeeyay xukun ay horraantii bishan Maarso riday maxkamadda sare ee dalkaasi, taasoo caddeysay in lagu waayay dacwado la xiriirayay dilkii dibad baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii 2011.
Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.
Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta ka tegay isbitaal milateri oo ku yaalla Koonfurta Qaahira isagoo Gurigiisa tegay waqooyiga Qaahira sida uu sheegay Qareenkiisa.
Waa 88 sano jir, talada dalkaasi soo hayay tan iyo intii la dilay madaxweynihii hore ee dalkaaasi Ansar Saadaat sanadkii 1981.
Dad badan ayaa is weydiinaya inay wax iska bedeleen nidaamka Masar mar haddii uu xabsi ku jiro madaxweynihii la doortay ee Maxamed Mursi, iyadoo la fasaxay madaxweynihii keli-taliyaha ahaa ee Maxamed Xusni Mubaarak.
Goobjooge.com