Sunday, July 13, 2025

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi iley oo xabsi loo taxaabay [Daawo ciidamada oo xabsiga u dhaadhicinaya]

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Candi Maxamud Cumar (iley) ayaa ciidamadu ka qabteen magaalada Adis ababa, iyadoo xabsi loo taxaabay.

TV-ga iyo warbaahinta kale Itoobiya ayaa baahisay muuqaalka Cabdi Iley oo ciidamo kaxeysanayaan, iyadoo xabsi loo wado, waxaana la xaqiijiyey in dacwad loo diyaariyey kiisas uu galay oo ku saabsan dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii Baarlamaanka degaanka Soomaalida uu shaley gelinkii danbe ka qaaday xasaanadii xildhibaannimo si loogu gogol xaaro dacwadiisa iyo in maxkamad lasoo taago.

Xafiiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga loo taxaabay., iyadoo laga qabtay gurigiisa oo ku yaala meel u dhow Huteelka Atlas ee magaalada Addis Ababa.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee ETV waxay ku warrantay in booliska ay xabsiga u taxaabayaan saraakiil kale oo xiriir la lahaaCabdi Maxamuud Cumar, waxaana ka mida.

Cabdijamal Qolombi : Xeer ilaaliyihii dowlad deegaanka

Raxma Maxamed : Wasiirkii haweenka iyo carruurta

Deeq Cabdullaahi : Wasiirkii Arrimaha Biyaha

Ibraahim Maxamed Mubaarak : Duqii Jig Jiga

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON