Saturday, July 12, 2025

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Iley oo xabsiga ku xanuunsanaya & Hooyadiis oo Baaq soo saartay

Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegay inuu ku xanuunsanayo xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo maalmo uu ku xiran yahay.

Baaq iyo qeylo dhaan ay soo saartay Hooyadiis oo lagu magacaabo Deed Mahad Colow ayey baraha bulshada ku sheegtay in Cabdi Maxamuud Cumar uu xanuunsan yahay, waxaana muuqaal laga soo duubay ay farriin ugu dirtay hacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa dowlad degaanka ay ka codsatay inay cafis u fidiyaan wiilkeeda, maadaama ay dhibaatooyin ka tirsanayaan.

Sidoo kale waxay  Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali waxa ay ugu baaqday inuu ka qeyb qaato sii deynta wiilkeeda, maadaama uu ku jiro gacanta dowladda uu isaga madaxda ka yahay.

“Magaceygu waa Deed Mahad Colow, waxaan ahay Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, waxaan idinka codsanayaa dhammaan Soomaali Maxamed meel walba oo ay joogto inaad cafisaan Cabdi Maxamuud oo gacanta ugu jira cadow, waxaan R.W Itoobiya ka codsanayaa inuu wiilkeyga ii saamaxo”. Ayay tiri Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON