Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo Baaq kasoo saaray Khilaafka ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya [Akhriso]

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq kasoo saaray xaaladda cakiran iyo khilaafka hareeyay Baarlamaanka Soomaaliya oo salka ku haya mooshinka laga keenay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Sheekh Shariif ayaagu baaqayaa dhammaan madaxda qaranka in gacmaha la isu qabsadaan sidii dalka loo badbaadin lahaa, lagana fogaado Khilaaf kasta oo horseedi kara in aan gacmaheenna ku burburinno geedi socodkii loogu jiray dowladnimada Soomaaliya.

“Iyadoo maanka lagu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib loo yagleelo dowladnimada. Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, anig oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka..” ayuu yiri Sheekh Shariif baaqiisa ku baahiyey baraha bulshada.

Wuxuu intaas sii raaciyey: “Haddii isfahan lagu xalin waayo khilaafka taagan waxaan aaminsanahay in lagu kala baxo dastuurka dalka ee noo qoran aduunkuna noo aqoonsan yahay, iyada oo la ilaalinayo xasiloonida iyo sharafta qaranimadeenna..”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON