Monday, June 23, 2025

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo Muqdisho uga dhawaaqaya musharaxnimadiisa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhowaan la filayaa inuu magaalada Muqdisho  uga dhawaaqo musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid safar uu doonayay inuu dib ugu soo laabto caasimadda Soomaaliya oo uu ka maqnaa muddo 4 sanadood ah, ayaa hadda go’aansaday inuu yimaado Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed oo wacdarro ka dhigay JabuutiWararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu ku soo wajahan yahay caasimadda  maalmaha soo socda, waxaana magaalada laga dareemayaa qabanqaabo ay wadaan taageerayaashiisa.

Ad

Sheekh Shariif ayaa taageerayaal badan ku leh Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho, waxayna dad badan aaminsan yihiin in ninkii xilka ugu danbeeyay xaaladda uga sii daray, taasoo Sheekh Shariif laftiisa uu sheegay haddii xaalad ka fiican la galay kadib markii uu xilka ka tegay inuusan is sharxi doonin.

Xaaladda ammaanka Shariifka oo hore welwel uga jiray ayaa la sheegay in hadda la xaliyay markii ciidamo gaara loo sameeyay ilaaladiisa oo ay ka mid yihiin kuwa AMISOM, waxaana socda diyaargarowgii ugu danbeeyay ee Sheekha lagu soo dhoweynayo.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON