Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo War kasoo saaray Dilkii Wasiir Siraaji

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Siraaji.

Farriin uu kasoo diray dalka Turkiga ayuu tacsi ugu diray wasiirka la dilay, wuxuuna ugu duceeyay inuu samir iimaan ka siiyo umadda uu ka tegay isagana Jannadii Firdowsa EEBBE ka waraabiyo.

“AUN Cabbaas, wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada markii ay ka mid noqdeen Baarlamaanka igu sii dhiirageliyey yididdiilada tayeynta dowladnimada” ayuu farriintiisa ku yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

“EEBBE ha u naxariistee Wasiirkii Howlaha Guud, Marxuum Cabaas, wuxuu astaan u ahaa soo kabashada Soomaaliyada cusub..” ayuu qoraalkiisa ku sheegay Xasan Sheekh oo tacsi u diray eheleda wasiirka dhintay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON