Thursday, June 26, 2025

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo War kasoo saaray shirka Amni ee Muqdisho ka furmay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray shirka  dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee maanta Muqdisho ka furmay.

Farriin uu baraha bulshada soo dhigay ayuu ku yiri: “Shirka Madasha -Somali Partnership Forum- ee  ka furmeysa magaalada Muqdisho waxaan u rajeynayaa guul iyo iney ka soo baxaan go’aanno saldhig u noqda xallainta mushkiladaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha ee maanta uu dalkeennu la daalaa dhacayo..”

Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay arrimaha siyaasadda isla markaana kooxdiisa qabyo ay olole ka bilowday Muqdisho si mooshin xil ka qaadis ah loogu diyaariyo madaxweynaha xilka uga danbeeyay ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dadka Soomaaliyeed inay isku tashadaan.

“Waxaan ku baraarujinayaa madaxda Soomaaliyeed iyo shacab-weynahaba biyo sacabbadaadaa looga dhergaa ee ku tashada “XOOGGIINNA IYO XOOLAHIINNA” adinkoo kaashanaya caalamka intii suurtagal ah. Guuleysta insha Allah” ayuuna farriintiisa ku soo gabgabeeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON