Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynihii Mareykanka ee amray in Soomaaliya faragelin lagu sameeyo oo Geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George Herbert Walker Bush ayaa xalay geeriyooday, isagoo da’diisu ahayd  94-sano jir.

Wiilka uu dhalay ee isna noqday madaxweyne George W Bush ayaa shaaciyey geerida aabihiis oo  Mareykanka madaxweyne ka ahaa sanadihii 1989 ilaa 1993, wuxuuna caan ku noqday go’aano saameyn ku yeeshay dunida sida dagaalkii Khaliijka iyo Ciidamadii faragelinta ku sameeyay Soomaaliya 1992.

Bush oo ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga ayaa ahaa Madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka, waxaana xilka kala wareegay Bill Clinton oo ka socday xisbiga Dimoqraadiga.

George Herbert Walker Bush, wuxuu hore u soo noqday madaxa maamulaha Hay’adda CIA, xubin ka mid ah Kongereeska Texas iyo madaxweyne ku xigeenkii Ronald Reagan, isagoo sanadkii amray 1991 ka dambeeyay dagaalkii Khaliijka ee dalka Ciraaq si looga xoreeyo dalkii ay qabsatay ee Kuwiat.

Wuxuu amar ku bixiyey 4-tii Disembar sanadkii 1992 in ciidamada Mareykanka ay  faragelin bani’aadamnimo ku sameeyaan Soomaaliya, wuxuuna u soo diray ciidamo gaaraya 28,000 askari, isagoo markaas kadibna booqday magaalada Baydhaba oo markaas magac looga dhigay ‘magaaladii geerida’.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON