Madaxweynihii Suudaan ee xilka laga tuuray ayaa la sheegay in xabsi la dhigay, iyadoo uu markii hore xabsi guri ku jiray.
Jen. Cumar Xassan Al-bashiir oo muddo 30 sano soo hayey talada dalka Suudaan ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee lagu magacaabo Kuubar ee dhaca bartamaha Caasimadda Khartoum, kasoo ahaa xabsiga uu ku xiri jiray maxaabiista siyaasadeed ee xukunkiisa ka horjeeda.
Xabsiga ayaa amnigiisa si weyn loo ilaaliyaa, iyadoo aan la sheegin in maxkamad lasoo taagi doono iyo in kale, xili ay madaxda ciidamada ee dalkaasi qabsaday magaalada Addis ababa kulamo kula leeyihiin Midowga Afrika.