Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal qaatay laba maalmood ku tegay dalka Itoobiya isagoo halkaasi uga qeyb galay xuska sanadguuradii 40-aad ee aasaaska ururka jabhada TPLF ee talada ka riday madaxweynihii hore ee Itoobiya, wuxuuna ka mid ahaa wufuud goboleed oo magaalada Makelle ee xarunta ismaamulka Tigreega uga qeyb galay xafladaasi.
Kama hadleyno inay sax ahayd ka qeyb galka madaxweynaha ee xafladaasi iyo muhiimadii uu siiyay shaqsiyan inuusan ka maqnaan xafladda TPLF oo qiime weyn la siiyay. Sidoo kale ma rabno inaan faaqidno cidda ay ahayd inay tagto ama loo qorsheeyayba oo maqaal hore aanu uga soo hadalnay. Laakiin waxaan halkan ka eegeynaa oo kaliya kharashka ku baxay safarkaasi iyo xaaladda dhaqaale ee dowladdu ku sugan tahay.
Safarka madaxweynaha oo haddii aanu tegin madaxweynaha uu ku qornaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte waxay dowladda Soomaaliya gashay oo ku baxay lacag ku dhow $100,000 (Boqol kun doolar)
Marka laga reebo sahayda safarka wafdiga madaxweynaha waxaa diyaaradii wafdiga qaaday lagu soo kireeyay lacag dhan $70,000 (Toddobaatan kun oo doolar). Haddaba aan is weydiinee iyadoo ay su’aashani ku socoto madaxweynaheena: MADAXWEYNOW MIYAY NA QABATAA inaan kharash intaas la eg dowladdu ku bixiso safar dabaaldeg iyo xus ah oo Itoobiya ka dhacaya????
= Iyadoo khasnadii dowladda ee Bankiga dhexe haawaneyso
= Iyadoo kharashkan safarka ku baxay deyn yahay
=Iyadoo shaqaalaha dowladda ilaa saddex bilood mushaar la’aan yihiin
= Iyadoo ciidamadii dalka ee kala duwanaa aanay mushaar qaadan dhowr bilood
= Iyadoo Wasaaradaha hadda xilka la wareegay aanay wax kharash howlgal ah heysan
= Iyadoo dalka meelo ka mida dagaalo ka dhaceen oo ay jiraan dad barakacay, qaar baahan, kuwo dhaawac oo aan baan heysan
Iyadoo xaaladan dhaqaale uu dalkaagu jiro jaalle madaxweyne waa su’aal weyn oo kaaga baahan inad is weydiiso hoosna u eegto xaaladda dalkaaga iyo dadkaaga…?
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]