Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay xubno isugu jira maamulka iyo ciidamada Waaxda Canshuuraha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Madaxda Waaxda Canshuurah Garoonka Aadan Cadde C/maalik Yuusuf, ahna Milkiilaha Idaacadda Shabeelle ee Magalada Muqdisho ayaa la xiray, waxaana kaloo la xiray 8 xubnood oo ka mida shaqaalaha Dawladda hoose iyo Wasaaradda Maaliyadda ee qaabilsanaa Canshuuraha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Lama shaacin sababta loo xiray xubnahan, waxaase wararku sheegayaan in loo heysto arrimo musuq ah.
Xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka ayaa baaritaano iyo dabagal kadib la sheegay inay xubnahan ku helaan wax is daba marin, iyadoo galabta lagu xiray xarunta CID-da ee Muqdisho.
LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA…