Monday, July 14, 2025

Madixii Dhaqaale ururinta Doorashadii Madaxweyne Trump oo isu casilay fadeexad hareysay darteed

Madaxii dhanka dhaqaala uruurinta u qaabilsanaa xisbiga Jamhuuriga Steve Wynn ayaa is casilay kadib markii ay soo baxeen eedeeymo ku saabsan inuu gaystay tacadi dhinaca jinsiga ah.

Sida uu qoray waregeyska Wall Street Journal Jimcihii maalqabeenka oo 76 sano jir ah ayaa ku xadgudbay mid ka mida haweeney ka shaqeyneysay goobaha lagu daliigo ragga waxa uuna mid kale ku qasbay inuu la galmoodo.

Mr Wynn ayaa beeniyay eedeymahaasi isaga oo ku tilmaamay inay yihiin wax caqliga aanan galeynin. Madaxa guddiga Qaran ee Jamhuuriga Ronna McDaniel, ayaa u sheegtay warbaahinta Mareykanka inay ka aqbashay iscasilaaada uu usoo gudbiyay Mr Wynn.

Dhanka kale, Mr Wynn ayaa ku eedeeyay xaaskiisii hore oo dacwada dagaalkooda ay taallo maxkamadda inay iyadu ka dambeyso dacaayadahan iyo been abuurkan.

“Waxa kiciyay eedeymahan ayaa ah dacwada igala dhaxeyso xaaskeygii hore Elaine Wynn, taasi oo haatan aan kula jiro dagaal dhanka garsoorka ah, ” ayuu ku yirin ninkaan milyooneerka bayaan uusoo saaray oo nuqul ka mid ah ay heshay BBC-du Jimcihii.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON