Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in gebi ahaan dhaqdhaqaqiii magaaladaasi la xiray iyadoo uu maanta booqan doono madaxweynaha Soomaaliya.
Wafdi uu horkacayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku sii jeeda xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo ay noqoneyso socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago meel ka baxsan Muqdishom intii uu xilka qabtay laba bilood ka hor.
Ciidamo fara badan ayaa xiray isu socodkii magaalada, waxaana gebi ahaan la hakiyay dhaqdhaqaaqiii dadka, iyadoo diyaargarowgii ugu danbeeyay uu kasocdo magaladaasi.
Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo ciidamada Koofur Galbeed ayaa iska kaashanaya sugidda ammaanka.
Goobjooge.com