Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa laga soo sheegayaa in la geliyay xaalad feejignaan sare ah iyadoo wararka soo baxaya aya sheegayaan in saraakiisha ay ka war heleen weeraro Alshabaab qorsheeyeen inay ka fuliyaan magaalada ugu weyn Puntland ee dhinaca Ganacsiga.
Taliyaha ciidamada Booliiska maamul Goboleedk Puntland Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Afgaduud) ayaa shaaciyay in amaanka magaalada Boosaaso si weyn loo adkeeyay, isla markasina kor loo qaaday feejignaanta, si looga hortago uu sheegay inay kooxda Al-shabaab damacsan yihiin.
Kulan dhinaca amaanka ah ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Puntland oo ku sugan Boosaaso sida wasiirka a Xanaanada xoolaha Cabdi Jamaal iyo Guddiga amniga gobolka bari oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka gobolka Bari Axmed Cabdullaahi Cirro, Taliska Booliska Puntland, iyo saraakiisha saldhigyadda Dekeda, Garoonka diyaaradaha magaalada.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa digiin is daba joog ah u diray Darawalada baabuurta, Mulkiilaha Gawaarida, dadka guryaha kireeya iyo bulshada kale iyadoo loo sheegay in baabuurta isaga gooshta Gaalkacyo iyo Boosaaso aanay qaadi qof aan haybtiisa garan.
Magaaladda Boosaaso oo ku sugan yahay madaxweyne kuxigeenka puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camay, waxaa ka socda caawa howgalo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ah, waxaana ciidamo farabadan lagu daadiyay dhammaan goobaha muhiimka ee magaaladda, waxaa kaloo isbaarooyin laga sameeyay qaybo ka mid ah magaaladda.
Goobjooge.com