Saturday, July 5, 2025

Magaalada Kismaayo oo Bandow saddex maalmood ah la geliyay

Magaalada Kismaayo ayaa bandow ku jiri doonta saddexda maalmood ee soo socota iyadoo magaalada gebi ahaan la xiri doono oo aanay jiri doonin cid geli karta ama ka baxeysa muddo 72 saacadood ah.

xarunta kismaayo
xarunta kismaayo

Caleemo saarka madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa lagu wadaa inuu magaalada ka dhaco 12-ka bishan iyadoo si rasmi ah aan loo shaacin ayaa haddana waxaa socota qabanqaabo weyn oo loogu jiro caleemo saarkaasi iyo xaflada oo lagu wado inay madax badan ka qeyb galaan.

Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka ayaa heshiis hoose ku gaaray inay xaliyaan muranka ka taagan dhismaha baarlamaanka Jubba iyadoo saacadihii ugu danbeeyay uu socdo dadaal ah in la qanciyo dhinacyada sida weyn u diidan maamulka Axmed Madoobe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON