Monday, June 23, 2025

Magaalada Kismaayo oo lagu xirxiray dadweyne ka bannaanbaxay dhoofinta Qalbidhagax

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay bannaanbax lagu diidan yahay sarkaalka ONLF ka tirsanaa ee dowladda Soomaaliya u dhoofisay Itoobiya.

Bannaanbaxa oo iskiis u bilowday ayna wadeen dad ka careysan in dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u gacan geliso C/kariin Sheekh Muuse (Qalb-dhagax) ayaa waxaa kala eryay ciidamada ammaanka maamuka Jubba.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in ciidamada awood kala hortageen bannaanbaxa intii aanu xoogeysan iyadoo qabqabtay ilaa 40 qof oo xabsiga loo taxaabay qaarkoodna la jir dilay.

Maamulka Jubba ayaa wararka qaar sheegayaan inuu qeyb ku lahaa dhoofinta sarkaalka Qalbi dhagax, waxaana uu xiriir soke la leeyahay Itoobiya.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON