Tuesday, June 24, 2025

Magaalo Soomaaliyeed oo laga joojiyay isticmaalka Shilinka Soomaaliga [Akhriso]

Waxaa gebi ahaanba istaagay in lacagta Shilin Soomaaliga wax lagu kala iibsado magaalo caan ah oo Soomaaliyeed, taasoo xarun ah Ganacsiga Gobollada dalka.

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacayo ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in magaaladaasi gebi ahaan laga  diiday lacagta Shillinka Soomaaliga, iyadoo ganacsatada ay diideen inay wax ku iibsadaan lacagaha kala duwan ee  Shilin Soomaaliga, iyadoo lacagta kaliya ee ka socota ay tahay Doolarka Mareykanka.

Arrintan ayaa ka danbeysay muran ka taagan lacagta shilin Soomaaliga oo laba nooc kala noqotay. Nooc ka mida oo ah lacag cusub oo aan tayo badneyn laguna daabaco Puntland iyo lacagtii hore ee duugga ah oo ka socota Muqdisho iyo Gobollada Koonfureed.

Lacagta lagu daabaco Puntland ayaa laga diiday Gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo qeybo ka mida Mudug, iyadoo lacagtaasi ay qiime ahaan ka duwan tahay lacagta Muqdisho laguna sarifo halkii doolar lacag ka badan 30,000 Shilin, halka lacagtii hore Halkii Doolar lagu sarifo 22,000Shilin.

Dhibaatada ka taagan lacagta Shilin Soomaaliga ayaa loo arkaa inay ka timid Bankigii Dhexe oo howlgab ah iyo daabicidda lacagaha been abuurka ah ee Puntland ka socda.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON