Monday, June 23, 2025

Magaca & Calanka uu qaadanayo maamulka Goboladda Dhexe oo la shaaciyay

Wararka laga helayo Dagmadda Cadaado Ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo oo la filayo inuu dhowaan ka furmo wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ayaa sheegaya in Gudiga Farsamada ay shaaciyeen maanta nooca uu noqon doono calanka ay yeelan doonto maamulka gobolada dhexe iyo weliba magaca dowlad goboleedkaasi haddii ay hirgasho.

MAGACA MAAMULKA ayaa noqday GALMUDUG

Calanka cusub

Ad

CALANKA MAAMULKA ayaa isna laga dhigay Calan buluug ah oo dhinaca danbe mid cad iyo laba xiddigood ku leh sida ka muuqata sawirka hoose, waxayna guddigu sheegeen in calanka iyo magacu yihiin talo soo jeedin oo ergada shirka oo intooda badan hadda xareysan ay ka doodi doonaan isla markaana ansixin doonaan.

Xogta Goobjooge.com heleyso ayaa sheegeysa in calanka uu yahay mid uu soo jeediyay ama xardhay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odowaa.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON