Friday, April 19, 2024

Magacyada Dhalinyarro ku dhintay Hoobiyeyaashii lagu weerarray Madaxtooyada Soomaaliya

Hoobiyeyaal maanta lagu weerarray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay saddex dhalinyaro ah oo deganaa guri ku dhow dhismaha Safaaradii hore ee Jarmalka, degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ay sheegatay Alshabaab ayaa dhalinyaradda ku geeriyooray ka sokor waxaa ku dhaawacmay dad gaaraya 6 qof oo ay ku jiraan Macalin iyo arday Dugsi qur’aan dhiganeysay oo Hoobiyuhu kusoo dhacay.

Dhalinyarrada ayaa kala ah:

Ad

Laba gabdhood oo wallaalo ah oo lagu kala magacaabo Faxdi Caddow Cabdi iyo Faa’iso Caddow Cabdi ayaa maanta ku geeriyooday hoobiye kusoo dhacay Gurigooda, waxayna ahaayeen laba gabdhood oo dhalinyaro ah, isla markaana mustaqbal fiican lahaa.

Allaha u naxariistee Faxdi Caddow Cabdi ayaa sanadkii hore ee 2020-ka ay ka qalin jebisay Jaamacadda Muqdisho, gaar ahaan Kulliyadda Dhaqaalaha iyo maamulka.

Sidoo kale waxaa Hoobiyaha ku dhintay Cabdicasiis Maxamed Xasan Tifey. Allaha u naxariisto wuxuu Cabdicasiis safar u ahaa, kuna sii jeeday dalka Turkiga oo ay ugu socotay Waxbarasho Jaamacadeed.

- Advertisement -

Waxay hore dhowaan Alshabaab Qarax is-miidaamin ah ku dileen 7 dhalinyaro ah, kadib Weerar lagu beegsaday goob Maqaayad ah oo ku taalla degmada Shangaani.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON