Wednesday, June 25, 2025

Magacyada xildhibaanada Banaadiriga ee Maanta la doortay [Musharax tartan la gashay Walaasheed]

Doorashada magaalada Muqdisho ayaa gashay maalintii labaad iyadoo la doortay xildhibaanno cusub.

Muqdisho oo ay yaallaan ilaa 7 kursi oo beelaha Banaadiriga leeyihiin, waxaa maanta lagu doortay xildhibaanada kala ah:

Kursiga Beesha Shaanshi waxaa ku guuleystay: Jeylaani Nuur Iikar oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday, waxaana uu dirqi uga badiyay musharixii loolanka kula jiray isagoo helay 28 cod.

jeylaniKursiga Beesha Bandhabow  waxaa ku guulesytay Fahma Axmed Nuur oo dhammaan ergadii beesheeda oo iyadu ay diyaarsatay, soona qorartay ay u codeeyeen, sidaasoo ay ku heshay 51 cod.

Waxaa la yaab lahayd in Fahma oo muddo dheer ku soo jirtay dowladihii hore wasiir ku xigeena ka soo noqotay dowladii C/llaahi Yuusuf ay musharax la tartamaya ka soo dhigtay gabar ay wallaalo yihiin (ilmo adeer ah yihiin) oo lagu magacaabo Tuuma Cusmaan Nuur.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON