Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu doortay qeyb kale oo ka mida xildhibaanada Aqalka Hoose ee Soomaaliya.
Dadka ku soo baxay Doorashada maanta waxaa ka mid ah Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Maxamed Nuur iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Prof. Saalim Cali Ibrow.
XILDHIBAANADDA LA DOORTAY
- Cali Maxamed Nuur (49 cod) – Beesha Shanta Caleemood/Irdho
- Isgoowe Deerow Isaaq (26 cod) – Beesha Jilible
- Saalim Cali Ibraahim (51 cod) – Beesha Jiido
- Axmed Cumar Islow (45 cod) – Beesha Wacdaan
- Maxamed Xuseen Afaraale – Beesha Jilible
Goobjooge.com