Monday, July 14, 2025

Mahad Salaad: “Madaxweynaha Mishiinkii hasoo celiyo, C/casiis Gurbiye-na xoriyadiisa haloo soo celiyo”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka hadlay xariga agaasime ku xigeenka Goobjoog weriye C/casiis Axmed Gurbiye oo ciidamada dowladda ay maanta xireen, wuxuuna ugu baaqay in Xoriyadiisa degdeg loogu soo celiyo.

“Wariye Cabdicasiis Xorriyadiisa si degdeg ah haloogu soo celiyo, Madaxweyne Farmaajo-na mashiinka ha soo celiyo!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in amarka lagu xiray wariyaha ay bixisay Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii shalay wariye Cabdicasiis qoray in Madaxweyne Farmaajo qaatay mashiin loogu deeqay dadka qaba cudurka Covid 19 ee ku karantiilan Isbitaal Martiini.

“Mashiinkaan ayaa loogu talo galay neef siinta sanbabada marka shaqadoodu ciriiri gasho, waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa “VENTILATOR”. Shalay ayaa waxaa tagay Isbitaal Martiini mas’uuliyiin ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna gaba-gabeeyeen shaqaalaha Isbitaal Martiini, waxaana la waydiiyay su’aalo la xiriira cida sheegtay mashiinkaan in Isbitaalka laga qaaday Madaxtooyadana la geeyay..” ayuu yiri Xildhibaanka oo ugu baaqay Hay’adaha amniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya in Cabdicasiis xorriyadiisa si degdeg ah ugu soo celiyaan.

“Waxaan kula talinaynaa Madaxweynaha haddii uusan rabin in wax laga sheego in uu si degdeg ah ku soo celiyo mashiinka laga qaaday Isbitaal Martiini ee Madaxtooyada la geeyay. Sababtoo ah baahida cabsi ee Madaxtooyada kajirta mid ka daran oo waliba dhab ah ayaa kajirta Isbitaalada Mogadishu. Waana sababta dad mas’uuliyiin ah ugu geeriyoodeen Isbitaal Martiini baahi loo qabo mashiinkaan daraadeed” ayaa ka mid ahaa qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON